Your Donation
  • or
Details
Terms and Conditions

Your personal data will be used to process your donation, support your experience throughout this website, and for other purposes described in our privacy policy.

Ku Saabsan Shirkada

Gurmad consulting waa shirkad ka shaqaysa la talinta iyo horumarinta ganacsatada iyo ganacsiyada, shirkadu waxay u qaybsantahay sadex department, qaybta koobaad waa qaybta adeegyada kuwaas oo inkabadan 12 adeeg aanu u qabano ganacsatada oo ay ka mid yihiin strategic planning, marketing, sales, digital marketing, market research, feasibility studies, branding, copywriting, auditing & accounting, human resource management, business trainings, business systems development, website and application development. iyo sidoo kale inaanu ganacsiga wixii mushkilad gaar ah ee haysata aanu la xalino fikiro cusubna u samayno.

Qaybta labaad oo ah qaybta curinta iyo mashaariicda taas oo ka shaqaysa in suuqa wixii fursada ka jira laga faa’idaysto, fikrado cusubna lagu soo kordhiyo cid kasta oo fikir haysaana ay noola iman karto si aanu uga caawino hirgalinta fikirkiisaas.

Qaybta sadexaad oo ah qaybta resources oo uu ganacsadahu ka heli karo templates diyaarsan haday noqdaan kuwa qorshe iyo dhamaan Dukkumantiyada ganacsiga oo diyaarsan awoodna u uleeyahay inuu badbadasho ganacsadahu io sidoo kale buugaag, warbixino iwm.

Faahfaahinta Fursada


Fursadan ee aanu baahinay waa fursad qaaliya waa fursad aad u wayn oo u baahan in la maalgashto, fursadan waa mid cid walba oo lacag ugu yaraan $25 haysta ka qayb qaadan karto isagoo maalgashan doona dhamaan ganacsiyada aanu gacanta ku hayno ee 40-ka ah iyo kuwa aanu caawin doono oo ah 60 ganacsi taas oo wadarta ganacsiyada barnaamijkan ka dhigi doonta 100 ganacsi. Maalgashadahu waxa uu wax ku yeelan doonaa dhamaan ganacsiyada hoos yimaada shirkada Gurmad Consulting xitaa kuwa danbe ee aanu curin doono isagoo la socon doona dhamaan ganacsiyada shirkada iyo warbixintooda.

Heshiiskani waa heshiis ku salaysan shareecada diinta islaamka, waa heshiis mushaarko ah oo u dhaxeeya labada dhinac shirkada oo la iman doonta fikradaha iyo shaqada wax soo saarka halka maalgashadahuna la imanayo lacag uu ku darsado rasamaalka shaqada lagu qabanayo, sidoo kalena waa inuu diyaar u yahay faa’ido iyo khasaareba, dhinaca kale maalgaliyeha maalgashaday shirkada waxaa u banaan haddii rabo in uu ka ka baxo oo uu iibiyo saamigii uu shirkada ku lahaa waa inuu soo wargaliyo soona ogaysiiyo, si shirkadu uga tashato arrinta maalgashadaha. hase ahaatee sadexda bilood ee ugu horeeya maalgashadahu kalama bixi karo mana iibin karo saamigiisa mashruucan. sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobadan soo socda:

1. Maalgaliyehu hadii ka laabto heshiiska waxaa uu xaq u leeyahay inuu iibin karo saamigiisa ama ku soo wareejiyo shirkada si ay cid uga iibsata ugu raadiso ama shirkadu dib ay u iibsato iyadoo la eegi doono faa’ido iyo khasaare wixii kusoo kordhay muddo sadex bilood gudahooda ah.

2. Maalgaliyehu waxaa uu xaq u leeyahay hadii rabo inuu kordhisto raasamaalka shirkada waa uu kordhisan karaa markasta oo maalgashiga dib loo furo.

3. Raasamaalka maalgaliyehu waa uu sii shaqayn karaa inta uu kala baxayo ama kordhisanayo raasamaalka faaidaduna waa ay soconaysaa.

4. Shirkadu waxay xaq u leedahay in ay noqoto iibsadaha koobaad ee saamiga uu maalgashadahu iska iibinayo isagoo soo wargelin doona ugu horayn shirkada sidaynu qodobka hore ku soo sheegnay hase yeeshee shirkadu hadii ay muddo sadex bilood ah ku iibsan waydo waxa u banaan in uu cid kale ka iibin karo saamiigiisa isagoo shirkada wargalinaya.

5. Maalgaliyehii ka hor yimaada shuruucada iyo siyaasada shirkada isla mar ahaantana caqabad ku noqda horusocodka shirkada waxa la laali doonaa heshiiska ka dhexeeya isaga iyo shirkad.

6. Muddada heshiiska maalgaliyeha iyo shirkada waa mid furan waxa aanay ku xidhan tahay qaabka ay ku heshiiyaan maalgaliyeha maalgashaday shirkadaha iyo shirkada Gurmad consulting.

7. Shirkadu waxa ay balanqaadaysaa in maalgaliyeha helo faaido 50% wax soo saarka shirkada iyada oo lagu salaynayo raasamaalka uu maalgaliyehu maalgashaday.

8. Maalgaliyeha shirkada maalgashaday waxa uu ka qayb qaadan karaa hawlaha shirkada sida shaqooyinka, shirarka, talo soo jeedinaha hadii uu diyaar u yahay.

9. Qaabka qaybinta faaidada shirkada waxa ay noqon doontaa mid bil, sadex bilood, lix bilood iyo sanadba lagu bixinayo inshallah maalgashadayaasha lagu siin doono xiliga uu doortay inuu ku helo wixii faa’ido ah.

10. Maalagashaduhu wuxuu si bile ah u heli doonaa xogta iyo xisaabaadka ganacsiyada iyo shirkadaha uu saamiga ku leeyahay si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa iyo wax soo saarkoodaba.

11. Heshiiskani waxa u dhexeeya maalgaliyeha maalgashaday shirkada iyo shirkada la maalgashaday waana meesha loo noqonayo haddii wax yimaadaan qodobadan kor ku xusan waa in la dabaqaa.

Ganacsiyada la maalgashanyo


*Guji Halkan si aad u hesho macluumaadka ganacsiyada la maalgashanayo


Faa’idada la helayo


Faa’idadu waxay ku xidhantahay wax soo saarka ganacsiyada hase ahaatee waxa aanu qorshaynay in uu maalgashadahu helo faa’ido boqolkiiba 30% ah si maalgashigiisii in leeg oo faaido ah ugu soo noqoto sadexda bilood ee u horeeya wayna ka badan kartaa wayna ka yaraan kartaa.

Wabilaahi Towfiiq