Tysiir Foodstuff

0%
Raised: $0.00 $0.0011 Days Left

Ku Saabsan Shirkada

Tysiir.com waa madal ama suuq casriya kaas aad ka heli karto dhamaan agabka iyo alaabaha kala duwan sida electronics ka, raashinka, cuntooyinka qaydhiin, qalabka guryaha, qalabka jimicsiga, dharka, kabaha, furnitureka qalabka xafiisyada iyo dhamaan agabka aad xiisaynayso.

Faahfaahinta Fursada

Fursadan ee aanu baahinay waa fursad qaaliya waa fursad aad u wayn oo u baahan in la maalgashto, fursadan waa mid cid walba oo lacag ugu yaraan $250 haysta ka qayb qaadan karto isagoo maalgashan doona mashruuca shirkada Tysiir.com ee raashinka iyo adeega maalinlaha ah ee qoysaska loogu talo galay. Mashruucan wuxuu ku yimid diraasad aanu ku samaynay qaabka ay u helaan qoysasku adeegan kaas oo aanu aragnay in fursad wayn ay shirkada iyo qoysaskaba ugu jirto sababtoo ah qoys walba bil kasta waxaa ka baxda lacag adag hase ahaatee wax ku sii qaaliyoba mooyaane ma helaan qiima dhimis lacagtoodana waxba ugama soo noqdaan, kadib waxaan diyaarinay mashruucan oo aad ku heli kartid qiimo dhimis balaadhan taas oo kaa caawin doonta yaraynta kharashaadka, sidoo kale aad ku heli doontid faaido maaliyadeed adigoo la qaybsanaya shirkada faidada iyo adeegyo kale oo farxad galin doona dhamaan maalgashatada mashruucan.

Heshiiskani waa heshiis ku salaysan shareecada diinta islaamka, waa heshiis mushaarko ah oo u dhaxeeya labada dhinac shirkada oo la iman doonta adeegyada iyo shaqada wax soo saarka halka maalgashadahuna la imanayo lacag uu ku darsado rasamaalka shaqada lagu qabanayo, sidoo kalena waa inuu diyaar u yahay faa’ido iyo khasaareba, dhinaca kale maalgaliyeha maalgashaday shirkada waxaa u banaan haddii rabo in uu ka ka baxo oo uu iibiyo saamigii uu shirkada ku lahaa waa inuu soo wargaliyo soona ogaysiiyo, si shirkadu uga tashato arrinta maalgashadaha. hase ahaatee sadexda bilood ee ugu horeeya maalgashadahu kalama bixi karo mana iibin karo saamigiisa mashruucan. sidoo kale waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobadan soo socda:

1. Maalgaliyehu hadii ka laabto heshiiska waxaa uu xaq u leeyahay inuu iibin karo saamigiisa ama ku soo wareejiyo shirkada si ay cid uga iibsata ugu raadiso ama shirkadu dib ay u iibsato iyadoo la eegi doono faa’ido iyo khasaare wixii kusoo kordhay muddo sadex bilood gudahooda ah.

2. Maalgaliyehu waxaa uu xaq u leeyahay in uu helo adeegyadan so socda:

- Qiima dhimis boqolkiiba 25% ah dhamaan adeegyada iyo alaabaha, qalabka, iyo agabka ay shirkadu iibiso.

- In uu helo sadexdii biloodba warbixinta shirkada iyo faa'ido hadii ay jirto

- In uu helo adeega alaab qaadida ama deliveryga si bilaash ah bishii hal mar

- In uu helo shan kaadh oo qiima dhimis boqolkiiba 10% ah taas oo uu siin karo cida uu doona hase ahaatee isaagu aanu isticmaali karin

- In uu bilaha qaar ku dalban karo adeegiisa qaab dayn ah isagoo waqti aan ka badnayn 20 cisho ku bixin doona.

3. Raasamaalka maalgaliyehu waa uu sii shaqayn karaa inta uu kala baxayo ama kordhisanayo raasamaalka faaidaduna waa ay soconaysaa.

4. Shirkadu waxay xaq u leedahay in ay noqoto iibsadaha koobaad ee saamiga uu maalgashadahu iska iibinayo isagoo soo wargelin doona ugu horayn shirkada sidaynu qodobka hore ku soo sheegnay hase yeeshee shirkadu hadii ay muddo sadex bilood ah ku iibsan waydo waxa u banaan in uu cid kale ka iibin karo saamiigiisa isagoo shirkada wargalinaya.

5. Maalgaliyehii ka hor yimaada shuruucada iyo siyaasada shirkada isla mar ahaantana caqabad ku noqda horusocodka mashruuca waxa la laali doonaa heshiiska ka dhexeeya isaga iyo shirkad.

6. Muddada heshiiska maalgaliyeha iyo shirkada waa mid furan waxa aanay ku xidhan tahay qaabka ay ku heshiiyaan maalgaliyeha maalgashaday mashruuca iyo shirkada Tysiir.com

7. Shirkadu waxa ay balanqaadaysaa in maalgaliyeha helo faaido 50% wax soo saarka mashruuca iyada oo lagu salaynayo raasamaalka uu maalgaliyehu maalgashaday.

8. Maalgaliyeha shirkada maalgashaday waxa uu ka qayb qaadan karaa hawlaha shirkada sida shaqooyinka, shirarka, talo soo jeedinaha hadii uu diyaar u yahay.

9. Qaabka qaybinta faaidada shirkada waxa ay noqon doontaa mid sadex bilood, lix bilood iyo sanadba lagu bixinayo inshallah maalgashadayaasha lagu siin doono xiliga uu doortay inuu ku helo wixii faa’ido ah.

10. Maalagashaduhu wuxuu si bile ah u heli doonaa xogta iyo xisaabaadka ganacsiyada iyo shirkadaha uu saamiga ku leeyahay si uu ula socdo dhaqdhaqaaqa iyo wax soo saarkoodaba.

11. Heshiiskani waxa u dhexeeya maalgaliyeha maalgashaday shirkada iyo shirkada la maalgashaday waana meesha loo noqonayo haddii wax yimaadaan qodobadan kor ku xusan waa in la dabaqaa.

Ganacsiyada la maalgashanyo

Faa'idada la helayo

Faa'idadu waxay ku xidhantahay wax soo saarka ganacsiga hase ahaatee waxa aanu qorshaynay in uu maalgashadahu helo faa'ido boqolkiiba 25% sadexdii biloodba inshallah wayna ka badan kartaa wayna ka yaraan kartaa

Wabilaahi Towfiiq